Ciidamada Xoogga dalka oo Argagixisada Al-shabaab kala wareegay tuulooyin dhowr ah

Muqdisho-(SONNA)- Howlgallo ay ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen xadka labada Shabeelle ayay kula wareegeen deegaanno maleeshiyada Al-shabaab ay dadka shacabka lacago baad ah uga qaadan jireen.

Meelaha ay Ciidamadu kala wareegeen argagixisada Al-shabaab waxaa ka mid ah Kaxarey,Busley iyo  tuulooyin kale oo ku yaalla xuduuda gobollada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe,kuwaasi oo khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay nabad diidka.

Taliyaha Ururka 35aad, guutada 7aad, qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka, G/sare Cali Cabdullaahi Caraaye (Foofoo) oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay la wareegeen dhammaan tuulooyinkaas, isagoo tilmaamay in ay sii wedi doonaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Taliyaha ayaa sheegay in ay gubeen gaadiid maleeshiyaadku ay lahaayeen, isagoo sidoo kale tilmaamay in Ciidamadu tuulooyinka ay ka xoreeyeen maleeshiyada Al-shabaab ay shacabka dhibaato xooggan ugu geysan jireen, waxaana uu sheegay in shacabku si weyn usoo dhaweeyeen Ciidamada Qaranka ee naftooda u huray in ay Cadowga ka dul qaadaan Shacabka Soomaaliyeed.