Booliiska Cadaado oo dayactir ku sameeyay saldhiga degmadaasi”Sawirro”

Cadaado (SONNA)- Ciidamada Booliiska ee ka howl gala saldhiga Booliiska  degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa  soo gaban-gabeeyay Ol’ole nadaafadeed oo ay maalmihii la soo dhaafay si Isxil-qaan ah uga wadeen halkaasi.

Dhamaan saraakiisha iyo ciidamada saldhiga ka howlgala ayaa Ol’olahaan ka qeyb qaatay, waxaana mudadii uu socday shaqo fiican laga qabtay dhamaan qeybaha saldhigu ka koobanyahay.

Sidoo kale mudadii howshani socotay waxaa dayactir lagu sameeyay qeybo kamida saldhiga.