Bandhigga Carwooyinka buugaagta waa awoodsiinta hal abuurka

Taxanaha sooyaalka Soomaaliya waxaa ku xusan in dalkeenna Soomaaliya uu 30kii sano ee ka danbaysay xornimada uu sameeyay horumarro badan oo dhinac kasta ah, waxuuna dalkeenna dunida ku lahaa maqaam aad loo xushmeeyo lana qadariyo, balse waxaa nasiin darro ah in sanadkii 1991dii uu dalka lugaha la galay dagaallo sokeeye oo wajiyo badan lahaa, kuwaasi oo galaaftay , islamarkaana ay ku burbureen haykalkii dowladnimada, Kaabayaashii dhaqaalaha iyo dhamaan hayadhii danta guud ee dalka lahaa.

Muddo toban sano ah kadib, oo ku beegan sanadkii 2000 kun , waxaa dalka ka bilaawday higsi dowladnimo iyo rajo ah in dib loo yagleelo nidaamkii qaranimo  iyo dhismaha dowlad misaysan uu dalku yeesho, mudadaas kadib horumarada dalka ka taabagalay waxaa ka mid ah horumarka dhanka aqoonta oo iftiinkeedu aad usoo muuqanayay.

Aqoonta iyo iftiinka soo kordhayay waxaa ka mid ahaa CARWOOYINKA BUUGGAAGTA oo aad . Badhigga buuggaagta ee Hargeysa oo ugu da’ weyn ayaa 12-sano jirsatay,carwada buugaagta ee Muqdisho oo dhawr  sano jirsatay iyo carwada buuggaagta ee Kismaayo oo ayana 3-sano jirsatay, waana carwada aan faaladaan uga hadli doonno.

7-bisha Luulyo (July) waxaa magaalada Kismaayo si toosa uga furmay carwada Buuggaagta sanadii seddaxaad la qabanayo.

Carwada Kismaayo waxa ay markii ugu horeysay ka dhacday magaalada Kismaayo sanadkii 2017, waxa ayna dhacdaa sanadkasta ilaa laga soo gaaray sanadkaan oo ah 2019 waxaana sanadkaan halku dhig looga dhigay (awoodsiinta hal-abuurka “Empowering Creativity”). Carwadaan buuggaagta waxaa soo abaabulay dhallinyarada aan cidna taakuleyn kuwaasoo sameystay madal loogu wan qalay “ Madasha Maan-kulan” madasha maan-kulan waxa ay ka shaqeysaa horumarinta arrimaha bulshada qaasatan waxbarashada iyo dhaqanka.

Aqoonyahanka, maamulka iyo howl-wadeennada Maan-kulan waxa ay si hagar la’aan ah isugu howleen ka mira-dhallinta carwada sanadkaan iyo inay kusoo dhammaato, jawi aad iyo wanaagsan. Kaasoo faa’iidooyin badan laga dhaxlay, waxa ayna mudan yihiin runtii in lagu abaal-mariyo dadaalkoodi quruxda badanaa ay sameeyeen.

Carwada buuggaagta magaalada Kismaayo, waxa ay sanadkaan ku bilaabatay jawi laga dheehan karay iftiinka horumarka ee guud ahaan wadanka ka socda sanadahaan dambe.

Daah-furka carwada: Waxaa carwada sanadkaan daah-furay Madaxwaynaha dowlad-gobaleedka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Waxa uuna ku dheeraaday muhiimada ay leedahay madashaan oo kale iyo sida uu ugu niyadsan yahay, dar-dar galinta arrimaha fududeynayo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Mudane Islaan waxa uu si muuqatay uga hadlay in bulshada hal-abuurkeeda isticmaasho si ay lagama maarmaanka u tahay, waxa uuna xusay inuu jacel-yahay inuu qeyb weyn ku la ahaado arrimahaan.

Carwada buugta Kismaayo sanadkaan waxaa looga hadlayay muhiimada uu leeyahay hal-abuurka ayadoo dhinacya badan laga eegayo, waxaana inta badan seddaxda maalin muuqanayay dood-wadaagyada in diirada lagu saarayay dhinacyada hal-abuurka, bandhiggaan waxaa aad uga wada soo qeyb-galay nuxurka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed qeybaha ugu muhiimsan, waxaana ka xusi karnaa Pro. Afrax oo ah aqoonyahan Afka iyo sheekayahan.

Aqoonyahanka madashaan ku kulmay, waxa ay lahaayeen dood-wadaagyo fara badan, waxaana halkaan isugu yimi Afmaal, Qorayaal, hal-abuur dhankasta leh iyo dad u dhaq-dhaqaaqo arrimaha bulshada.

Doodaha ugu adkaa horaantiiba waxa ay ahaayeen, sara u qaadida hal-abuurka oo si aad u balaaran looga hadlay, dhanka kale waxaa aad loo lafa guray horumarinta bulshada iyo saameynta uu horumarka ku leeyahay iskaa-wax u bashada bulshadu sameyso (Volunteer ship), aqoonyahan wax badan kasoo shaqeeyay arrimahaas ayaa doodaha soo bandhigayay.

Waxaa kale oo isla maalinki hore lasoo bandhigay buug fara badan oo laga qoray arrimaha dalka waliba dhinacyada bulshadda waxaana ku jiray buugtaas:

Maldahaadii maansooniyada, Dhulkii qorfaha, Nolol iyo jaceel, Maree noloshaada iyo kuwa kale oo fara badan. Waxaana si qota dheer uga hadlay dhallinyaradii qortay buugtaas oo u muuqday inay diyaar u yihiin horumarinta dalkooda iyo inay bulshadooda wax macna leh la wadaagaan.

Aqoonyahan iyo dhallinyara ayaguna buugta daabaco iyo kuwa Maktabado hormuud ka ah ayaan ayana ka dooday baahida daabacaada iyo Maktabadaha akhriska ay wadanka ka jiro, waxa ayna isla tilmaameyn in dadaal fara badan loo baahan yahay. Laakiin hadda la heysto bilow fiican, waxaa kale oo ay aad isula lafa gureen muhiimada ay leedahay in buugta luuqadaha kale ku qoran in Afkeenna hooya loosoo turjumo ayna muhiim tahay in la dhiirri-galiyo aqoonyahanka howshaas ku jiro.

Dhinaca kale carwadaan waxaa kale oo xiisa gaara u yeelayay Afmaalka oo aad uga soo qeyb-galay, kaasoo si qiira iyo xamaasad leh suugaanta uga durduuranayay, aadna looga helay suugaantaas quruxda badan.

Gunaanadkii Carwada Buuggaagta

9-Luulyo (July) 2019, waxaa magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay carwada Buuggaagta Kismaayo, dhacdadeedi seddaxaad. Waxaana qubadii ugu dambeysay jeediyay Guddoomiyaha Madasha Maan-kulan, Mudane Mukhtaar Rayxaani, waxa uuna guddoomiyuhu u mahad-naqa martidi kasoo qeyb-gashay carwada Kismaayo, waxa uu sidoo kale u hambalyeeyay guud ahaan bulshada Kismaayo oo si hagar la’aana uga soo qeyb-gashay carwada.

Ugu dambeyn carwada buuggaagta magaalada Kismaayo,waxaa shahaada sharaf la guddoonsiiyay qaar kamida howl-wadeenadii ka shaqeynayay qabsoomida carwada. waxa ay kusoo dhammaatay horumar iyo aqoon kala faa’iideysi aan marna la qiyaasi Karin. Waxa ayna Kismaayo hormuud u noqotay si ay marki horaba hormuudka ugu ahayd.

 W/D: Daljir C. HalgameEmail:  [email protected]

waxaa dib u habeeyay: Abuukar Gobdoon