Qaar kamid ah musharixiinta guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta khudbado jeediyay

Qaar kamid ah musharixiinta guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta khudbado jeediyay

289
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Kulanka guud ee golaha Shacabka maanta waxaa shir guddoominayay sii hayaha Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudodomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana Ajendaha uu ahaa Hadaljeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sii hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha ayaa kulanka furay ka dib Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa waxa uu Xildhibaanda u sharaxay qaab jadwaleedka gudigooda uu u diyaariyay hadal jeedinta musharaxiinta iyo inta maalin ee ay socon doonto, wuxuuna sheegay in labo Maalin ay soconeyso dhageysiga khudabadaha musharixiinta.

Intaasi ka dib waxaa la guda galay hadal jeedinta Musharaxiinta, waxaana khudbadahooda ay kusoo bandhigeen waxyaabaha ay qaban doonaan hadii ay ku guuleystaan xilkan, waxaana khudbadaha laga dhageystay 6-Musharax.

Xubnaha maanta khudbadaha jeediyay waxaa kamid ahaa.

1: Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.

2: Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

3: Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar

4: Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur

5: Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

6: Xildhibaan C/casiis Lafta Gareen

Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo ah sii hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta beri ah haduu Alle Idmo dib la isugu soo laaban dooni islamarkaana uu jiro kulanka guud ee golaha si loo sii amba qaado hadaljeedinta musharaxiinta harsan oo gaaraya shan musharax.

LEAVE A REPLY