Xulka Soomaaliya oo 1-0 uga badiyay xulka Kenya

Xulka Soomaaliya oo 1-0 uga badiyay xulka Kenya

837
0
SHARE

Muqdisho(SONNA):–Ciyaartoyda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka hooseysa 17-jirada ayaa waxay guul muhiim ah ay ka gareen xulka qaranka kubada cagta Kenya tartanka Cecafa ee 17-jirada kadib markii 1-0 ay ugaga badiyeen.

Xulka Soomaaliya ayaa waxaa goolka guusha u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 11aad Farxaan Duqoow waxayna guushan ay tahay mid aad muhiim ugu ahayd xulka qaranka 17-jirada waxaana taasi ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay u soo gudubtay wareega xiga ee tartanka iyadoo kaalinta koowaad gashay.

Soomaaliya ayaa waxaa sadexda kulan ee Tartanka Cecafa waxay ku group noqotay dalalka Itoobiya Burundi iyo dalka Kenya, Kulankii ugu horeyay oo Soomaaliya ay la Ciyaartay dhigooda Itoobiya ayaa waxaa uu ahaa mid ku soo idlaaday 3-1 oo guusha ay ku raacday dalka Itoobiya balse Itoobiya ayaa dhibcihii laga qaaday kadib markii ay ku xad gudbeen sharuucda u taalay tartanka kadib markii garoonka ay soo galiyeen Ciyaartoy ka Weyn 17-sano Sidaasi ayaana Soomaaliya waxaa lagu siiyay sadexdii dhibcood iyo sadex gool.

Kulankii xigay ee Group-ka Soomaaliya waxay la ciyaartay dalka marti gelinaya koobka ee Burundi waxaana uu ahaa kulan dhiira gelin loo balan qaaday wiilasha dalkeena waxaana Burundi oo dalkeeda joogtay ay ku fashilantay in goosha wiilasha Soomaaliya ay Soo Taabato waxaana Ciyaartii ay ku soo idlaatay 0-0 haatan Soomaaliya waxay ka adkaatay Kenya sadexda dhibcood ee Soomaaliya ay ka heshay Kenya waxay ka dhigan.

Xulka Soomaaliya oo kaalinta koowaad ku soo gudbay ayaa ciyaarta Semi finalka waxa uu la ciyaari doonaa xulalka Tanzania iyo Sudan xulkii soo badiya halka xulka Kenya oo kaalinta 2aad ku soo gudbay ay wajahayaan xulka Uganda.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalaya siddeed wadan oo kal ah Burundi, Uganda, Kenya, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Sudan iyo Somalia.

LEAVE A REPLY