Faransiiska oo 61-Milyan Dollar gargaar bini’aadannimo ugu qoondeeyay Suuriya

Faransiiska oo 61-Milyan Dollar gargaar bini’aadannimo ugu qoondeeyay Suuriya

450
0
SHARE

Paris (SONNA) Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu dalkiisu u fidinayo kaalmo bini’aadanimo oo deg deg ah dalka Suuriya taasoo gaareysa 61.9 Milyan oo Doollar una dhiganta 50 milyan oo lacagta Yurowga ah.

Wuxuuna intaa raaciyay in kaalmadaasi deg deg ah oo dalkiisu ugu tala galay dadka ku dhibaateysan dagaalada dalkaasi Suuriya uu u soo marin doono hay’adaha aan dowliga aheyn.

Talaabadan oo Faransiisku qaaday ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynuhu uu la kulmay in ka badan 20 hay’adood oo ah kuwa samafalka aan dowliga aheyn uuna ka dhageystay warbxino la xiriiray xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan dalka Suuriya,wuxuuna bartiisa Twittarka ku cadeeyay in kaalamada ay ka tarjumayso wax ka qabashada xaaladda bani’aadanimo ee ka sii dareysa dalka Suuriya taa oo ka dhalatay dagaalada mudada dheer ka socoda Suuriya.

Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu cadeeyay in lacagahaasi kaalmada ah oo ay Dowlada Faransiiska u fidisay dadka ku dhibaateysan gudaha Suuriya ayaa waxaa maamuli doonaa hayh’adaha gargaarka aan dowliga aheyn iyo waliba wakaalada taabacsan Qaraamada Midoobay ee arrimaha bini’adanimada ku lug leh.

Warbxin ay soo saartay qaraamada Midoobay ayaa lagu sheegay in 13 milyan oo qof oo 6 milyan ka mid ah ay yihiin caruur kuna sugan gudaha dalka Suuriya ay baahi deg deg ah u qabaan  kaalmo bini’aadanimo.

LEAVE A REPLY