Howlgalo ka dhacay deegaano ka tirsan Hiiraan oo lagu dilay Dagaalyahano Al...

Howlgalo ka dhacay deegaano ka tirsan Hiiraan oo lagu dilay Dagaalyahano Al shabaab ah

566
0
SHARE

Hiiraan (SONNA) Ciidanka Qalabka ee Soomaaliya sida ayaa Howlgalo kabilaabay Deegaano badan oo hoos taga Gobolka Hiiraan, iyadoo Howlgaladaas guulo laga soo hoyay waxaana lagu dilay Tiro badan oo ka mid ahaa Nabad diidka Al shabaab.

Maxamed Nuur Cagajoof Afhayeenka Maamulka Gobalka Hiiraan ee Hirshabeelle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahiyey howlagalo Maleeshiyaadka Al Shabaab rag looga laayey isla markaana looga furtay Saanad Ciidan.

“Waxaan Dilnay Maleeshiyaad aad u badan oo tiradooda aan kuugu sheegi karo ilaa 30 Dagaalame, sidoo kale waxaan kaqab sanay Deegaano ay Dadka Danyarta ah ku dhimaateyn jireen xili kasta”

Howlgalada ayaa ka qabsoomay sida Afhayeenku sheegay Wadooyinka marinka Maleeshiyaadka Al Shabaab oo isku xira Degmooyinka Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan.

Waxaa Bilooyinkii ugu danbeeyey Deeganada Gobolka Hiiraan ka jirtay Abaabul xoogan oo lagula Dagaalamaayo Maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab oo dadka Xoolo dhaqatada ah dhac iyo boob ku hayey.

LEAVE A REPLY