Sacuudiga oo ku guuleystay Xubinimada Golaha fulinta hay’adda Qaraamada Midoobay u qaabilsan...

Sacuudiga oo ku guuleystay Xubinimada Golaha fulinta hay’adda Qaraamada Midoobay u qaabilsan Haweenka

468
0
SHARE

Newyork(SONNA):-Boqortooyada Sacuudiga Careebiya ayaa markii ugu horeysay ku guulaysatay xibintinimada  Golaha fulinta hay’adda Qaraamada Midoobay u qaabilsan Haweenka inta u dhaxeysa 2019 -2021 ka.

Wafidiga joogtada ee Sacuudiga u fadhiya Qaraamada Midoobay   ayaa ku cadeeyay bayaan uu maanta soo saaray in Talaabadan ay ka dambeysay  kadib markii uu kulan ku yeeshay magaalada Newyork Golaha Qaraamada Midoobay u qaabilsan  dhaqaalaha iyo Bulshada.

Bayaankaa ayaa lagu sheegay in guusha xubintinimada Haweenka Sacuudiga hay’adda Golaha  fulinta qaabilsan Qaramada Midoobay ay ku timid taageerada iyo daryeelka xagga xuquuqda haweenka ay Xukuumadda boqorka Sacuudiga la barbar taagan tahay  haweenka Sacuudiga, tan iyo markii uu la wareegay mansabka boqortooyada Sacuudiga una ogolaaday Haweenka inay ka qeyb galaan qeybaha kala duwan ee maamulka dalkaasi.

LEAVE A REPLY