Qatar Nimaan Qaadan, Qaran Uma qidmayn karo!!

Qatar Nimaan Qaadan, Qaran Uma qidmayn karo!!

2716
0
SHARE

Muqdisho(SONNA):-Caalamadaha Shaqsiyadaada waxaa laga garankaraa Natiijada laga filankaro Hugaamintaada.

Ra’iisul wasaare Khayre, wuxuu isticmaalayaa Erayo laga barankaro Shaqsiyadiisa, marka uu Hugaaminayo Hay’ad hawl-fulineed Shaqsiyad Aaminsan Erayada R/wasaaraha, waxaa laga filikaraa waa in laga adkaado Darbiyada Ku gudbin gaarista Dawladnimo Ku dhisan,

1- Kala dabayn.
2- Sharci fulin.
3- Ka jawaabis waqtiyaysan.
4- isla-xisaabtan.
5- Abaalmarin iyo Ciqaab, Qof iyo Mudnaantiis.

Marka intaas lahelo, waxaa timaada Dawladnimo taam ah kuna taagan Tiirar adag, Qof ama Hay’ad kastaana Ku egtahay Xuduudkeeda, Kuna filantahay waajibaadkeeda.

Waa hubaal in mid Ka mid ah sababaha hortaagnaa hirgalinta Nidaamka Dawliga ah ee Dalkeennu ay tahay , Ka cabsashada gudashada Waajibaadka iyo Dhiiranaan-la’aanta.

Inkasta oo aanan soo wada bandhigi karin Masuuliyadayda awgeed waxa aan ogahay, hadana Xog-ogaalnimadayda Qorshaha Dhismaha Dawladnimada ee Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, cabsi kama qabo in filashada Bulahada Soomaaliyeed ay haysato Hugaan hirgalin kara, midaystayna,

1- Aragti,
2- Karti,
3- Dhiirasho,
4- Faham Ku filan.
5- isku kalsooni,
6- Ka go’naasho,

Intaas marka ay kulanto, waxa kaliya ee loo baahanyahay, waa Qorshayn iyo Ku dhaqankeed, intaasina waa kuwa hadda gacanta lagu hayo loogana Shaqeeyo Maalinle.

Balse Dadkaygoow, waxa aan soo sheegay, waxeey Ku xiranyihiin dhawr arrimood oo dhankeenna ah hadaan Shacabka nahay, kuwaan ayaa aniga igu taagan,

1- waa in aan fursad siinaa.
2- waa in aan Gacan siinaa,
3- waa in aan adkaysanaa,
4- waa in aan u hurnaa,
5- waa in aan Alle ubarinaa,
6- waa in aan aaminaa,
7- waana in aan aqbalno,

igama ahan Cid ugu roonoow, balse waa Aragtidayda iyo inta Isha iyo Uurka aan Ka arko.

Codsi, inta aadan Ka fel-celin Qormadayda, Daawa Muuqaalka hoose si aad u fahamto sababta aan u doortay Cinwaanka iyo faaqidaada Kooban.

mahadsanid.

W/Q, Cabdiraxmaan Yusuf Cadaala.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1682316558531436&id=467808656648905

LEAVE A REPLY