Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo...

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo howlo dib u dayactir ay ka socdaan “Sawirro”

795
0
SHARE

Muqdisho (SONNA), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa maanta kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo ay ka socoto howlo dib u dayactir ah iyo dhismaha Xafiisyo kale oo lagu kordhiyey.

Taliyaha, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey Ku simaha Taliyaha qeybta guud ee Booliska G/banaadir ahna Taliye ku xiggeenka Taliskaasi, Sarreeye guuto Sulub Axmed Firin, waxaana uu warbixin ka siiyey Taliyaha Booliska Gen Bashiir Dhismaha Taliska ka socda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale kormeeray howlaha shaqo ee ka socda Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, waxaana uu arrimaha ammaanka uu ka  xog wareystay Saraakiisha ka howlgasha Taliskaasi.

 

 

LEAVE A REPLY