Dalka Algeria oo looga baroordiiqayo 257-Qof oo ku geeriyootay shil diyaaradeed

Dalka Algeria oo looga baroordiiqayo 257-Qof oo ku geeriyootay shil diyaaradeed

590
0
SHARE

Muqdisho(SONNA);- Madaxweynaha dalka Algeria, Abdelaziz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay saddex maalin oo baroordiiq Qaran ah oo dalka uu galayo, ka dib markii dad gaaraya 257-ruux ay ku dhinteen shil diyaaradeedkii ugu xumaa abid oo ka dhaca Algeria,sida uu ku waramay wargeyska wararka dalkaasi.

“ ka dib markii ay bur burtay diyaarad ciidanka cirka ah Ilyushin,ayna ku dhinteen 257-ruux,madaxweyne Abdelaziz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay saddex maalin oo baroordiiq Qaran ah oo maanta ka bilaabaneysa,” ayaa lagu yiri warbixinta Wargeyska.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa la xaqiiyay iney geeriyoodeen ka dib markii diyaarad Militari ay bur burtay wax yar uun ka dib markii ay ka duushay xarunta Ciidanka cirka ee Boufarik,oo 30-km dhanka Koonfur kaga beegan caasimada dalka Algeria ee Algiers.

Wasaaradda Difaaca Algeria ayaa tacsi u dirtay Ehelada dhamaan dadkii waxyeelada ka soo gaartay shilka diyaaradeed iyo Saraakiisha Dowladda oo amray in daqiiqado loo aamusnaado dadkii dhintay arbacadii shalay.

Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay inta badan dadka shilka ku dhintay ay ka mid ahaayeen Ciidamada dalkaasi oo ay wehliyaan Qoyskooda.

Algeria24,oo ah website maxali ah, ayaa sheegaya in diyaarada shilka gashay ay ku sii jeeday magaalada waqooyi ee Bechar.

LEAVE A REPLY