Britain oo ammaantay howl-galka AMISOM+Sawirro

Britain oo ammaantay howl-galka AMISOM+Sawirro

395
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)- Wasiiru Dowlaha gaashaandhigga Dalka Britain Col; Mark Lancaster, ayaa ammaan usoo jeediyay howl-galka ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Dalka Soomaaliya.

Mr; Mark Lancaster, oo booqasho ku jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay sida ay midowga Afrika ugu go’an tahay wiiqista khatarta argagixisanimada iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Wasiiru Dowlaha ayaa kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire; Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidamada AMISOM Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, iyagoo ka wda hadlay sidii ay u qaybsan lahaayeen ka wada hadleen waajibaadkooda ku aaddan sugidda amaanka ee Ciidamada AMISOM iyo sidii loo xoojin lahaa doorka taageerada ah ee kaga beegan Britain.

Sidoo kale wuxuu Mr; Mark Lancaster xusay doorkii ay AMISOM kasoo qaadatay xasilinta Dalka Soomaaliya muddadii 11-ka Sano ahayd ee lasoo dhaafay, isagoo sheegay inaysan Midowga Afrika weligood joogayn Soomaaliya loona baahan yahay in horumarka guulaha ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in howl-galka taageerada Britain ee loona yaqaan ,Uk Mission Support Team  (UKMST), oo hoos imanaya mashruuca UK7O uu kor u qaadayo tayada dhismaha iyo taageerada kale ee  AMISOM iyo Ciidamada ammaanka ee Muqdisho iyo Gobollada Dalka Soomaaliya, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY