Gabadhii Carbeed ee ugu horreysay oo noqota tababare Ciyaartooy

Gabadhii Carbeed ee ugu horreysay oo noqota tababare Ciyaartooy

883
0
SHARE

Khartuum-(SONNA)-Salma El Majidi, waa 16 jir ka soo jeedda bariga Dalka Suudaan, waa gabadhii ugu horreysay ee Reer Suudaan ah oo tababare ka noqota koox Ciyaartooy Rag ah oo ka dhisan gudaha Dalka Suudaan.

” Waxaan ahay tababare, welina ma jirto dhiirri gelin ama door ay Haweenka Reer Suudaan ku leeyihiin Sportiga, ayay tiri Mss; El Majidi oo la hadlaysay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Salma El Majidi; oo Macallin u ah Naadiga Kubbadda Gacta ee  El Ahly El Gedaref, oo ka dhisan gudaha Suudaan ayaa muxibbo dheeri ah u qabta mihnadda Kubbadda Cagta, waxanay arrintani ku dhalatay markii ay la dhacday markii ay in badan daawatay xisadda Kubbada Cagta ee uu Walaalkeed ka yar la ciyaari jiray Ilmaha Iskuulka.

Mss; El Majidi, ayaa AFP u sheegtay inay xilligaasi ka heshay habka uu garsoohuhu u maareynayo Kubbadda Cagta marka ay Ilmuhu Ciyaarayaan, sida uu u agaasimayo dhaq-dhaqaaqooda iyo sida uu Macallinka u dejiyanayay astaanta calaamadaha hagidda Ciyaarta.

Gabadhan oo uu dhalay Sarkaal Boolis howl gab ah, ayaa markeedii hore soo laysiday kooxaha da’doodu ka hooseyso 13 jir iyo 16 jir ee ka tirsan Naadiga El Hilal ee Omdurman Khartoum, wxayna intaa ka dib tababartay kooxaha heerka Labaad ee Sudan ee El Nasir, El Nahda, Nile Halfa iyo El Morada.

Ururka Kubbadda Cagta  Caalamka ee FIFA ayaa Salma El Majidi; u aqoonsaday inay tahay Haweeneydii ugu horreeysay ee Carabta iyo Suudaan ka soo jeedda oo tababare u noqota Kooxo Sporti oo heerkaasi gaarsiisan.

Haweenka Dunida carabta ayaa in dhawaalaba lagu arkayay saaxadda Sportiga Adduunka si tartiib tartiib ahna ugu qayb qaadanayay tartamada kala duwan ee Caalamka ka dhaca, iyadoo ay xusid mudan tahay in Boqortooyada Sacuudiga ay dhawaan siisay Dumarka Dalkaasi xorriyad dheeri ah oo u oggolaanaysa Haweenka inay ka wadaan Gaadiidka, tagaan goobaha lagu ciyaaro, Shineemooyinka, kana qayb galaan tartamada furan ee kala duwan.

LEAVE A REPLY