27 Arday oo ku dhimatay shil ka dhacay Dalka Hindiya

27 Arday oo ku dhimatay shil ka dhacay Dalka Hindiya

447
0
SHARE

New Delhi-(SONNA)- Ugu yaraan 30 Qof oo u badan Arday ayaa ku geeriyootay tira kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray shil Bus oo ka dhacay Gobolka Himishal Pradesh ee Dalka Hindiya.

Gaarigan oo ahaa Bus lagu daabulo Ciyaal Iskuulka ayaa ka dullay Jar ku yaalla Buuraha Himilaaya, halkaasoo sidoo kale ay ku naf waayeen Darawalkii iyo Laba Macallin sida uu AFP u sheegay Santosh Patial, oo ka mid ah Saraakiisha Booliska ee Gobolkaas.

“Baska ayaa ka duulay dhul jooggiisu yahay 200 oo Cagood, waxaa dhintay 27 Arday, Laba Macallin iyo wadahii Gaadhiga” ayuu yidhi Saraalku.

Shilkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 12 Qof, kuwaasoo ay intooda badani xaaladdooda liidato ayaa lagu baxnaaninayaa Isbitaalka Gobolkaasi.

Ardaydan oo ay da’doodu u dhexeysay 10 illaa 12 jir ayaa la sheegayaa inay si aad ah ugu wax yeelloobeen shilkan, kuwaasoo dhiganayay Dugsi Hoose dhexe ah oo Gobolkaasi ku yaalla.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya , Narendra Modi, ayaa boggiisa Twitter-ka  ugu tacsiyadeeyay ehelada Dadkii shilkaasi ku dhintay, isagoo sheegay inuu u soo duceynayo intii ku naf weyday shilkaasi.

Maamulka Dowlad Goboleedka Himishal Pradesh ayaa ku dhawaaqday inuu ehelada Carruurta ku waxyeelloowday uu magdhow ahaan u siin doono 500,000 oo Rupe, oo u dhiganta  $ 7,700 oo Doollarka Maraykanka ah.

Dalka Hindiya waxaa ku yaalla qaar ka mid ah Waddooyinka ugu qadiimisan Dunida, waxana qiyaas ay Dowladdu samaysay tan iyo Sanaddii 2015-kii ku geeriyooday shilal noocan oo kale ah Dad gaaraya 150,000 oo Qof.

LEAVE A REPLY