Dalalka Siyaasadooda dhexdhexaadka tahay oo ku baaqay in la dhowro Madaxbannaanida Liibiya.

Dalalka Siyaasadooda dhexdhexaadka tahay oo ku baaqay in la dhowro Madaxbannaanida Liibiya.

1403
0
SHARE

Tripoli-SONNA)- Bayaan ay dowladahan ka soo saareen gabagabadii shir ay ku yeesheen magaalada caasimada Azarbijan ee Baku ayaa ugu baaqay dhaamaan dowladaha aduunka inaan la faragelin arimaha gudaha ee Liibiya.

Dhanka kaleWaxay ka qeyb galayaasha shirkaasi soo dhaweeyeen heshiiskii siyaasadeeed ee la gaaray sanadkii 2015 kii ,waxayna ugu yeereen ergada Qaraamada midoobay,Jaamacadda Carabta,Ururka midowga Afrika inay ka dhaadhiciyaan dhinacayada dirirtu ka dhaxeyso ee dalka Libiya inay hirgeliyaan heshiiskaasi nabadeed, isla markaana ay soo afjaraan kala qeybsaanaanta dhexdooda ah, dagaaladana ay joojiyaan, si loo soo celiyo amnigii iyo kala dambeyntii dalkaasi colaadu la degtay sanooyinkii la soo dhaafay.

Bayaan ay wadamada dhexdhexaadka ah ka soo saareen shirkoodaasi ka dhacay magaalada Baku ee Caasimadda  Azarbijan, waxay kaloo ku xuseen in la joojiyo adeegsiga qeybaha kala duwan ee warbaahinada iyo wararka kale ee xiisadaha abuuraya, waxayna amaaneen dadaalka ay Liibiya uga jirto la dagaalanka argagixisda.

Bayaanku waxa uu soo dhaweeyay magacaabista ergayga gaarka ee Qaraamada Midoobay  ee dalka Liibiya Ghassan Salame iyo Qorshaha uu dejiyay lana xiriira hanaaka nabad ku soo dabaalidda dalkaasi Liibiya.

Wadamadaasi siyaasadooda dhexdhexaadka tahay waxay kaloo  cadeeyeen inay aad ugu walacsan yihiin  sii socoshada mushkiladda siyaasadeed ee Liibiya,waxayna sheegeen in arrinta Liibiya aan lagu xalin Karin xal Miletery, balse loo baahan yahay in la adeegsado xal siyaasadeed.

Wasiirada wadamada siyaasadooda dhexdhexaadka tahay waxay soo dhaweeyeen  in la hirgeliyo heshiiskii xadeynta hubka khatarta ah ee wax gumaada iyagoo amaanay dowladaha  ilaa hadda burburiyay hubkooda halista ah loona baahan yahay in wadamada weli haysta hubkaasi halista ah in ay burburiyaan.

 

LEAVE A REPLY