Madaxweynihii hore ee Brazil oo maanta Booliska isku dhiibi doona

Madaxweynihii hore ee Brazil oo maanta Booliska isku dhiibi doona

504
0
SHARE

Lula da Silva  Madaxweynihii hore ee Brazil ayaa waxaa gurigiisa hareereeyay ciidamo ka tirsan  booliska dalkaasi ka dib markii uu bilaabay  dhuumaaleysi uu kaga baxsanaayo ciidamada Booliska.

Booliska ayaa waxa ay xaqiijiyeen in uu hadda ku sugan yahay dhismo ku yaalo magaalada uu ka soo jeedo ee ka baxsan Sao Paulo, islamarkaana uu qorsheynaayo in uu ciidamada isku dhiibo.

72 sano jirkaan ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, maadaama lagu helay eedo musuqmaasuq.

Madaxweynihii hore ee dalka Brazil, Lula waxaa uu aaminsanyahay in xukunka ka dhanka ah isaga uu yahay mid siyaasadeysan.

Qareenadisa ayaa la sheegay in Booliska ay kala hadlayaan sidii uu Lula isu soo dhiibi lahaa. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Lula uu doonayo inuu booliska isu soo dhiibo maanta .

Kumanaan taageerayaashiisa ah ayaa isugu soo baxay banaanka dhismaha uu Lula Da Silva ku jiro.

LEAVE A REPLY