Faah-faahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday xarunta shirkadda Youtube.

Faah-faahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday xarunta shirkadda Youtube.

620
0
SHARE

Haweeneyda lagu  tuhmayo  in ay hub ku weerartay xarunta Shirkadda YouTube’ ee dalka Mareykanka ,ayaa lagu waramay in ay si aad ah uga carootay heshiis la xiriiray sawirro fiidiyoow ah oo ay dhigtay ama ku meeleysay baraha bulshada ee shirkaddaasi.

Booliska Gobolka California ee Dalka Mareykanka,ayaa sheegay in  haweentaasi geysatay falkaasi lagu magacaabo  Nasim Aghdam oo 39-sano jir ah,sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalkaasi.

Warbaahinta ayaa intaa ku dartay  in haweyneydaasi ay ka carootay Shirkadda You Tube  oo la tilmaamay in ay kala soocatay sawirro fiidiyoow ah oo Nasim ay dhigtay baraha shirkaddaasi,isala markaana lagu yareeyay  lacagihii ay filaneysay.

Weerrkaasi waxa uu galaaftay 3-ruux, nin 36- sano jir ah oo uu soo gaaray dhaawac culus iyo laba haween ah oo iyaguna qaba dhaawacyo fudud.

 Afhayeen u hadlay booliska magaalada San Fransisco ee Gobolka California ayaa sheegay in Nasim ay is dishay kadib markii ay geysatay falkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY