Taliska ciidanka XDS oo xaqiijiyay in dagaalkii Buula-mareer qasaaro xoogan loogu geystay...

Taliska ciidanka XDS oo xaqiijiyay in dagaalkii Buula-mareer qasaaro xoogan loogu geystay Al-Shabaab

899
0
SHARE

Taliska  Ciidanka Xoogga Dalka ayaa  soo  bandhigay  meydadka maleeshiyaad ka tirsnaa Al-Shabaab  ku waasi oo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Buula-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo  la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ururka 26aad guutada 6ad ee qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka, oo kaashanaya ciidamada AMISOM ay guul weyn bay ka gaareen, dagaal shalay ka dhacay deegaanka Buula-mareer, waxaana  uu intaa ku daray in dhankooda uu weerarkaasi kaga dhaawacantahay saddex askari.

“Caddowga Ummadda Soomaaliyeed saddex baabuur ayay ku soo weerareen xarunta ciidanka oo qaraxyo saarnaa, hal iridda hore ayuu ku qarxay, labada kalena meel 100- talaabo u jirta xarunta ayaa lagu gubay, iyadoo saddex askari ay naga dhaawacantay, waana guul Alle aan uga mahadcelineyo” ayuu yiri Abaanduulaha.

Abaanduulaha ayaa sheegay in weerarka uu socday muddo saacad ah, isla markaaana jab xoogan loogu geystay Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in laga dilay 66 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliska ciidanka Ururka 26aad  ayaa xaqiijiyay in dagaalka Al-Shabaab looga furtay hub gaarayay 30 qori, kuwaasi oo kala ah 12 Qori AK47 ah 20   qori PKM ah  iyo qori dhashiiko ah

Goobta lagu soo bandhigayay meydadka ayaa waxaa goob joog ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

FG: Waxaan ka cudur daaraneynaa inaan idin soo bandhigi karin sawirada Meydadka ah.

LEAVE A REPLY