WAA MAXAY WADANIYAD.?

WAA MAXAY WADANIYAD.?

1163
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)_ Wadaniyad waa dalkaaga oo aad si dhab ah aad u jeclaato, ka ilaaliso baylahda iyo in aad in wax walba ka hormariso danahiisa, marka aad maqasho Ereyga “Wadaniyad”Waxaa durbadiiba maskaxdaada kusoo dhacaya ruux leh damiir uu ka buuxo dal jaceel laxow uu dalkiisa u qabo,waxaadna bilaabaysaa xusuus ay ku dheehan tahay dareen danqasho leh oo ka imaanaya qulqulka dhiigaaga cadaynayana dareenka dal jaceyl ee aad u qabto halka aad dhalasho ahaan aduunka ka soo jeedo, kaasi oo ah dalkaaga hooyo.

Muxuu Islaamku ka qabaa wadaniyadda?

Ita anaan u galin waxa sharcigu ka qabo wadaniyada, waxaa muhiim ah inaan bidhaamiyo ereyada uu quraanku isticmaalo badalka ereyga wadan.

 

Diyaar iyo Bayt waa labada erey ee ugu badan ee quraanku u isticmaalo badalka wadan. Tusaale Allaah S.W.T  wuxuu yiri; ” وإذ أخدنا ميثاقكم لا تسفكون دمائكم ولا تخرجون أنفسكم من دياركم  ”

“كما اخرجك ربك من بيتك بالحق”

Labada aayadood ee aan xusay, labaduba waxay u taagan yihiin macne ahaan wadan ama deegaan, sida tan danbe oo loola jeedo magaalada Madiina. Sidoo kale quraanku wuxuu isticmaaley ereyga Wadan oo ku wadareysan af-carabi, oo ah {مواطن}markaasna waxaa la xusayaa goob ama deegaan dagaal ka dhacay

“لقد نصركم الله في مواطن كثيرة ويوم حنين”

Dhab ahaantii islaamku wuxuu caddeeyay in dalkaaga oo aad jeclaato in ay iimaanka ka mid tahay, bal aan wax yar milicsanno  siirada nabiga scw iyo taariikhdiisii Hijriga kolkii uu rasuulka scw ka haajirayay Maka ee uu Madiino u socday, markii uu ka baxay magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray ee Maka ayuu gadaal u soo jalleecay dhowr jeer wuxuuna yiri nabigeenna Suuban C.S.W ”Makooy kaama aanan tageen haddii aysan qoomkayga iga kaa soo saarin”.

Taariikh ahaan waxaa la  sheegaa in wadaniyadda jirtay taariikh aad u fog ka hor, aadanuhuna ku baraarugsanaayeen muhiimadeeda

Giriiggii hore waxay u yaqaaneen wadaniyadda ereyga ( Baterya) oo  la macno ah qawmiyad jacayl. Sidoo kale ereygaan adeegsigiisu wuxuu soo xoogeystay, intii uu socday dhaqdhaqaayadii borotastanka ee looga soo horjeeday kaniisaddii Chatholikada.

Waxaa xusid mudan in raggii aadka ugu kacsanaa kaniisada sida William Samt iyo rag badan oo ku weheliyey kacdoonka, ay la baxeen magaca wadaniyiin. Sidoo kale waxaa ereygan aad loo adeegsadey xiliyadii ay socdeen kacdoonkii dadkii Americanka ahaa ay uga soo horjeedeen gumeysigii Ingiriiska, iyadoo Ingiriisku ku tilmaamay Amerikaankii xornimadoonka ahaa iay yihiin wadaniyiin  uu madax maray dal jacayl.

 Soomaalida iyo Wadaniyadda.

 Ruux walba oo Soomaali ah Waajibaad wadaniyadeed ayaa ka saaran dalkiisa iyo dadkiisa,tusaale hadii aad tahay masuul xil u haya shacbigiisa waxaa laga maarmaan ah in aad noqoto wadani wax walba ka hormariya gudashada wajibaadka loo igmaday Noqo Soomaali reeba dhaxal wanaagsan oo dhanka wadaniyadda ah,noqo mas’uul daacad ah una guta howshiisa qaab alle ka cabsi ku dheehan yahay.

Sidoo kale hadii aad tahay muwaadin caadi ah ogow in waajibka wadaninimo ee kaa saaran dalkaagu yahay asal ma guuraan ah lagaana doonayo in aad marwalbaa gudato adiga oo noqonaya muwaadin daacad u ah danaha dalkiisa, taageero hagar la’aan ahna siiya madaxda dalka,Noqo wadani wadnihiisu weheshado wadaniyadda taasi oo kobcin karta xiisaha iyo jaceelka aad u qabto dalkaaga.

Waa Hubaal in qaar badan oo inaga mid ah ay yihiin saaxiibo ku dayasho mudan lehna quluub wadaniyadu ku hoyato kuwaasi oo laga yaabo in aysan weli haysan hiil ay ku dhaqaajiyaan hanka dal jaceel ee ka buuxa.

Taas badelkeeda waxaa iyana aan la inkiri karin in ay jiraan kuwa damiirkoodu dhintay Wadaniyaduna aysan quluubtooda maalin harsan, waana kuwa har iyo habeenba ku howlan waxyeelaynta dalka kana xun dhaqdhaqaaqyada hormarineed ee wadankeenu maanta ka socda.

Waligaa maku fakartay in aad ka mid noqoto halyeeyada taariikhdu xusi doonto mustaqbalka, maku fakartay in aad reebto dhaxal waxtar leh? ma isku xisaabisay in aad qayb ka noqoto geesiyaasha ka qayb qaata hormarinta dalkooda ?

Maanta waxaan haysanaa fursad qaali ah oo aan markale ku soo noolayn karno dareenka Wadaniyadeed waxaana lagama maarmaan ah in ruux walbaa qalbigiisa ku beero qiimaha dal jeceelka ka dibna guntiga u xirtaa gudashada waajibaadka ka saaran dib u soo kabashada iyo horumarinta dalkiisa.

Ugu danbayn waxaan Qormadaan ku soo gabagabaynayaa Daraasad ay sameeyeen culumo ku xeel dheer daraasadda arimaha bulshada iyo Cilmi nafsiga waxay isku raaceen in waxyaabaha kor u qaadi kara qofka dareenkiisa wadaniyadeed  ay ka mid yihiin dib u milicsiga sooyaalka halgan gobonimadoon ee dalkiisu soo maray, barashada taariikhdii halyeeyadii astaanta u ahaa xornimadoonkii iyo in uu maskaxda ku hayo in ay wali dunida ka jiraan dadyow ama qowmiyado gumaysi ku hoos jira oo u ooman Neecaawda xoriyadda.

 

 

LEAVE A REPLY