Maamulka Falastin oo ku dhawaaqday  Maalin baroor-diiq ah

Maamulka Falastin oo ku dhawaaqday  Maalin baroor-diiq ah

667
0
SHARE

Madaxda reer Falastiin iyo qeybaha bulshada ayaa maanta ku dhaqaaqay  baroor-diiq hal cisho ah oo loo sameynayo 17-ruux oo ciidamada Israa’iil ay ku dileen agagaarka magaalada Qasa,kadib markii kumanaan qof ay ku dhaqaaqeen socod ashtako ah.

Jaamacadaha,Dugsiyada , goobaha laga adeegto iyo hey’adaha xukuumadda maamulka Falastiin,ayaa maanta xiran ,iyadoo loo baroor-diiqayo dhimashada 17-ruux,kadib kolkii maalinimadii shalay ciidamada Israa’iil ay rasaas huwiyeen dad isugu soo baxay xuska maalinta dhulka hooyo oo soo bilowday sanadkii 1976-dii.

Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobay ayaa cambaareeyay falkaasi ciidamada Israa’iil ay ku dileen 17-qof,isla markaana ay ku dhaawaceen in ka badan kun ruux

Xoghayaha Guud ee QAramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa ku baaqay in la sameeyo guddi madax bannaan oo soo baara tacadiyada ka dhacay Qasa ee ay ka dambeeyeen ciidamada Israa’iil,

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY