Maraykanka oo duqeyn ku dilay Saraakiil ka tirsanayd Al-Qaacidda

Maraykanka oo duqeyn ku dilay Saraakiil ka tirsanayd Al-Qaacidda

881
0
SHARE

USA-(SONNA)- Howl-galka la dagaallanka argagixisada Afrika ee ( Africom) ayaa sheegay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku dileen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Qaacidda qaybteeda Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika.

Taliska Ciidanka Maraykanka ee Africom ayaa sheegay inay dileen Musa Abu Dawud iyo Sarkaal kale, xilli ay ku sugnaayeen meel u dhow degaanka Ubar oo ku taalla Koonfurta Galbeed Dalka Liibiya ,halkaasoo ayan Dowladdu maamulin.

Abu Dawud, ayaa Al-Qaacidda u qaabbilsanaa tababarka Malleeshiyaadka iyo qorista xubnaha cusub ee Al-Qaaciddada waddamada Maqrib ee AQIM loo yaqaan, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay inuu howl-gallo badan ka fulyay waddamada deriska la ah Liibiya ee Aljeeriya iyo Tuniisiya.

Weerarkan oo qayb ka ah duullaamada lagu wiiqayo Kooxaha kala duwan ee Dowladda Liibiya kasoo horjeeda ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ku bartilmaameedsadaan Sarkaal ka tirsan Al-Qaacidda, marka laga reebo duqaymo iyo weerarro ka dhan ahaa ISIS oo horay ugu dhacay qaybo ka mid ah Dalka Liibiya.

Isha/ The Times

LEAVE A REPLY