Muddo kadib Malala YousufZai oo ku laabatay Pakistaan

Muddo kadib Malala YousufZai oo ku laabatay Pakistaan

581
0
SHARE

Pakistaan(SONNA) Malala Yousafzai oo ah Gabadha ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ayaa muddo kadib, markii ugu horeysya dib ugu laabatay dalkeeda hooyo ee Pakistan,tan iyo markii ay dhaawaceen kooxaha Taalibaaniyiinta ee dalkaasi Pakistaan ku sugan.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxaha Taalibaaniyiinta ee Dalkaasi Pakistaan ayaa dhaawac u geystay Malala sanadkii 2012kii,xiligaasi oo ay garab siiyeen hay’adah u dooda xuquuqda aadanaha.

Malaala oo hadda ah 20 jir ah aadna ugu dooda xuquuqda aadanaha ayuu qof hubaysan madaxa ka toogtay iyadoo u ol’olaynaysa waxbarashada gabdhaha sannadkii 2012kii,waxaana haatan lagu wadaa in ay kulan la qaadato ra’iisulwasaare Shahid Khaqan Abbasi.

Safarkeeda ayaan la sii shaacinin, sida ay saraakiishu u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Telefeshin Pakistan laga leeyahay ayaa baahiyay muuqaalka gabadhan iyo waalidkeed oo ka soo dagaya garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Benazir Bhutto oo ammaankiisa aad loo adkeeyay.

Waxaa lagu wadaa in safarkeedai uu qaado afar maalmood, warbaahinta gudahuna waxay ku warrantay in ay la socdaan mas”uuliyiin ka tirsan hay’adda Malala Fund.

Lama xaqiijinin in ay booqan doonto deegaanka uu qoyskeedu ka soo jeedo ee Swat oo ku yaalla dhulka fog ee waqooyiga galbeed.

LEAVE A REPLY