Wasiirka Dastuurka XFS iyo Wafdi uu horkacayo oo maanta gaaray Baydhabo

Wasiirka Dastuurka XFS iyo Wafdi uu horkacayo oo maanta gaaray Baydhabo

475
0
SHARE

Baydhabo(SONNAS)–Magaalada baydhabo ee Xaruunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta gaaray Wafdi uu horkacaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dawlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay weheliyeen Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha Dastuurka Maamulada kajira dalka.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah ay ka qeybgalaan kulan looga hadlayo arrimaha dastuurka oo ay qeyb ka yihiin Ururada Bulshada ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Kulankaasi  ayaa waxa uu ka qeyb ka yahay kulanno is daba joog ahaa oo ay Madaxda Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalku la yeelanayeen masuuliyiinta, aqoonyahanada, Culumaa’udiinka iyo qeybaha kale ee ka tirsan Bulshada ku dhaqan Gobolada iyo degmooyinka Dalka.

LEAVE A REPLY