Dadka degaanka Buq Goosaar ee Gobalka Hiiraan oo Dilay Shan ka mid...

Dadka degaanka Buq Goosaar ee Gobalka Hiiraan oo Dilay Shan ka mid ahaa Maleeshiyada Al shabaab

1003
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Wararka naga soo gaaraya degaanka Buq Goosaar oo 50-Km u jira Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay dadka degaanka kula dagaalameen Maleeshiyada Al shabaab, isla markaana ay ka dileen Shan ka mid ahaa Nabad diidka.

Dagaalkan oo dhacay Barqanimadii Maanta ayaa wuxuu ku bilowday markii dadka degaanka ay ka hortageen Nabad diidka Al shabaab oo Xoolo isugu jira Geel iyo Ari doonayay inay dhacaan.

Isaaq Saneey oo hogaaminayay Dadka degaanka ee dagaalka la galay Argagaxisada Al shabaab ayaa sheegay in ay ka war heleen weerarka Al shabaab, isla markaana ay u diyaar garoobeen, wuxuuna sheegay inay ka dileen 5- ka mid ahaa Maleeshiyadii dooneysay inay dhibaateeyaan shacabka, qaar ka mid ahna ay si dirqi ah ku baxsadeen.

Isaaq Saneey ayaa sheegay in dadka degaanka ay isku duuban yihiin, iyagoo markasta diyaar u ah inay la dagaalamaan Maleeshiyada Jid iyo jiha diidka ee Al shabaab.

LEAVE A REPLY