Shirka Sameynta Qorshaha soo kabashada & u Adkaysiga Abaaraha Soomaaliya oo Maalintii...

Shirka Sameynta Qorshaha soo kabashada & u Adkaysiga Abaaraha Soomaaliya oo Maalintii Labaad ka socda Garowe+Sawirro

604
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Waxaa Maalintii Labaad Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlad Gobaleedka Puntland ka socda Shir Wadatashi ah oo looga hadlayo Sameynta Qorshaha  soo kabashada iyo u adkaysiga abaaraha Soomaaliya ee- Recovery and Reselience Framework”.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya isla markaana ay ka qeyb galayeen Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Dowlad Gobaleedyada dalka ayaa waxaa si weyn diirada loogu saaray Mudnaansiinta waxyaabaha ay tahay in dib u kabasho dalka uu ka sameeyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Qaadir Aadan Maxamed ayaa sheegay in Barnaamijkan soo kabashada uu yahay qorshe weyn oo la doonayo in lagu soo nooleeyo Kaabayaasha dhaqaalaha oo ay saameyn weyn ku yeesheen Abaarihii dalka ka dhacay, wuxuuna sheegay in la isla gartay 130-Talaabo oo wax looga qabanayo abaaraha.

“Barnaamijkaan soo kabashada waa qorshihii ugu weynaa ka dib sameynta qorshaha hormarinta qaranka, wada tashi wanaagsan ayaa la galiyay, gobolada dhan waa la tagay,waxaa kasoo baxay 130 talaabo oo ay tahay in la qaado si wax looga qabto abaaraha loona soo celiyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, sida Xoolaha oo kale, beeraha, biyaha iyo waxyaabaha soo raaca”ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Shirkan oo socon doona muddo 4 cisho ah, ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed Maalinta Jimcaha.

LEAVE A REPLY