Caalim ku xeel dheeraa Cilmiga Fisikiska oo geeriyooday

Caalim ku xeel dheeraa Cilmiga Fisikiska oo geeriyooday

528
0
SHARE

London-Stephen Hawking oo u dhashay dalka Ingiriiska ahaana caalim iyo xeeldheere aad looga dambeeyo Culuunta fisikiska  ayaa geeriyooday isagoo 76 sano jir ah, sida laga soo wariyay qoyskiisa oo ku nool magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Caalimkaan ayaa laba sano ka hor waxay takhaatiirtu ka deriyeen caafimaadkiisa,kadib markii uu ku dhacay xanuun lafaha gala iyo qalalka.

Khabiirkaan ayaa la sheeggay inuu aqoon duruqsan u lahaa cilmiga hawada wuxuuna alifay buugaag ka hadlaya Taariikhda Cilmi falagga iyo  isbedelka waqtiga oo ay iibsadeen in ka badan 10 milyan oo qof.        

Wuxuuna ahaa caalim magac weyn ku leh dunida oo dhan  oo aad loogu dambeeyo Culuunta Fisikiska.

Stephen Hawking  waxa u dhashay  bishii January 8, 1942, Oxford, ee Boqortooyada ingiriiska, isagoo  shahaada PHD ee Culuunta  hawada ka qaatay Jaamacad ku taal dalkaasi.

 

LEAVE A REPLY