Ururka 60-aad ee CXD oo Lacago ku Wareejiyay Qoysaska Askar Naftooda u...

Ururka 60-aad ee CXD oo Lacago ku Wareejiyay Qoysaska Askar Naftooda u huray Difaaca Qaranka

612
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Taliska Ururka 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka ee ilaalllada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u tacsiyadeeyay Waalidiinta iyo Xaasaskii ay ka geeriyoodeen labo Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona ku wareejiyay lacago ay iska soo Ururiyeen Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Allaha u naxariistee Labadan Askari ayaa ku geeriyootay dhacdadii Sayidka, iyagoona naftooda u huray Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, waxaana Munaasabadan lagu xasuusanayay ka qeyb galay Taliyaha Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Saraakiil iyo Qaar kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka.

Gaashaanle dhexe Cumar C.raxmaan Abuukar Abaanduulaha Madaxtooyada Qaranka oo Xaflada furay ayaa ka hadalay ulajeedadada iyo waxa ay ugu talagaleen.

“Ciidanka Ururka 60-aad ee Madaxtooyada Soomaaliya dhawaan qaraxii dhacay labo ka tirsan Askarta Ciidanka Ururka 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyada ayaa ku geeriyootay, ciidanka oo aan u kala harin waxay go’aansadeen in Hal Bil oo ka mid ah Iidaankooda ay u jaraan dadkii ay ka geeriyoodeen Walaalahooda”.ayuu yiri Gaashaanle dhexe Cumar C.raxmaan Abuukar.

Xidigle Qadro Daahir Xuseen oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la xasuusto Askarta waxyeelada ay ka soo gaarto hawlgalka Qaranimada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ururka 60aad  ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Cali oo soo xiray Munaasabada ayaa xusay in Talisku  uu marwalbo diyaar u yahay in la garab qabto qoysaska Askarta geeriyootay iyo kuwa xanuunsan.

LEAVE A REPLY