Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS“Horumarinta Kaabayaasha dhaqaale ee Dowlad-goboleedyada Waa halbowlaha dhaqaalaha...

Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS“Horumarinta Kaabayaasha dhaqaale ee Dowlad-goboleedyada Waa halbowlaha dhaqaalaha dalka”

477
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llahi Cabdi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada dalka ay iska kaashan doonaan sidii ay u tayeyn lahaayeen Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Qalabeynta Xarumaha Wasaaraddaha Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Maamuul Gobaleedyada.

“Horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Dowlad-goboleedyada waa halbowlaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka guud ahaan, sidaas darteed waxaa wasaaradda HG ee Xukuumadda Federaalka ka go’an xoojinta la shaqeynta Wasaaraddaha HG ee Dowlad-goboleedyada si guud ahaan dalka loo hurumariyo”ayuu yiri Wasiir Saadaq C/llahi Cabdi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in bil ilaa laba bil gudahood in Wasaaraddaha hawlaga guud ee Dowlad Goboleedka ay u keeni doonaan qalabka xafiisyada oo ay ku shaqeyn lahaayeen iyo Agabyada Xafiisyada lagu isticmaalo ee joogtada loogu baahan yahay, taasoo ka haqabtirkeeda aan dhowr sano wadi doono ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay ka saacideyso dhisida Xarumo Wasaaradda hawlaha Guud ee Xukuumada Soomaaliya ay wada shaqeyn dhow kula yeelan doonto Wasaaraddaha Dowlad Gobaleedyada dalka.

Wasiirka oo Booqasho ku jooga magaalada Jowhar ee xarunta Dowl-goboleedka Hir-Shabelle, ayaa sheegay in ay fulin doonaan mashruuca Tayaynta Wasaaraddaha Howlaha Guud heer Dowlad-goboleed iyo heer federal, iyadoo Mashruuca ay taageeri doonaan Bangiga Horumarinta Africa (African Development Bank).

LEAVE A REPLY