Aqalka Sare oo maanta shir ka yeelanaya Xeerka Shirkadda DP World ka...

Aqalka Sare oo maanta shir ka yeelanaya Xeerka Shirkadda DP World ka mamnuucaya Dalka

336
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulankoodi ugu horeeyey ee Kalfadhigii 3-aad oo maalintii Axadda uu u furmay.

Ajandayaasha  ugu horeeya ee horyaala Aqalka Sare ayaa waxaa kamid ah in ay kulan ka yeeshaan xeerka Shirkadda DP World ka mamnuucaya guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Xog-hayaha guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in kulanka maanta mudanayaasha Aqalka Sare ay kaga hadli doonaan arrimo uu ugu horeeyo xeerkaasi oo DP World Dalka ka mamnuucaya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalintii shalay ansixiyay xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed,kaasi oo sidoo kale guud ahaan Dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.

LEAVE A REPLY