Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Bakool

Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Bakool

493
0
SHARE

Muqdisho(SONNA);- Howlgal ballaaran oo lagu baacsanayo Maleeshiyadda Kooxda Al-Shabaab ayaa ka socda guud ahaan deegaanada Gobolka Bakool,waxaana howlgalka ujeedkiisu yahay sidii deegaanada maleeshiyada ay ku dhuumaaleysanayaan kuna dhibaateynayaan dadka shacabka ah looga dul qaadi lahaa.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamul Koonfur Galbeed oo iskaashanayaa ayaa wada dhaq dhaqaaq ku aadan sidii ay u gaari lahaayeen deeganaada fara ku tirska ee Kooxda Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Bakool,islamarkaana deegaanadaasi dib loogu soo celin lahaa gacanta Dowladda si shacabka loo gaarsiiyo nidaamka Dowladnimada.

Maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Xudur,Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo Odayaasha dhaqanka oo ku kulmay magaaladaasi ayaa isku afgartay sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalka lagula jira maleeshiyada Al-Shabaab loogana sifeyn lahaa guud ahaan Gobolkaasi oo goobo aan badneyd ay kaga sugan yihiin.

Ciidamo laga kala keenay degmooyinka Tiyeeglow,Ceelbarte,Rabdhuure iyo Xudur oo isugu jira Ciidamada Xoogga dalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo diyaariyay iney si geesinimo leh Shacabka Gobolkaasi uga difaacaan Cadowga Al-Shabaab oo dadka qaar oo Abaarta ay saameysay hadana cunaqabateyn saaray una diiday iney raadsadaan baad iyo biyo ay ku noolaadaan,sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaan Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab uga hareyn xitaa haddii ay galaan dhulka howdka ah,waxayna hubka u siddaan sidii Shacaka u heli lahaayeen Nabad iyo Nolol.

Ururada Bulshada Rayid Gobolka Bakool ayaa u diyaargarowbay iney gaaraan deegaanada laga xoreeyo Al-Shabaab si shacabka ugu wacyi geliyaan Dowladnimada una taageeraan Ciidamada Qalabka sida oo har iyo habeen u taagan difaacowda.

LEAVE A REPLY