Qadar oo canbaaraysay go’aan ka dhan ah falastiin oo ka soo baxay...

Qadar oo canbaaraysay go’aan ka dhan ah falastiin oo ka soo baxay kaniisadda Israa’iil

1058
0
SHARE

Qudus (SONNA) Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar ayaa si kulul u canbaaraysay qaanuun cusub oo ay Isra’iil Sharciga degenaanshaha ama iqaamada kala noqonayso Falastiiniyiinta  deggan bariga Qudus hadii ay sugnaanto in Falastiiniyiintaasi ay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen Ururada xagjirka ah.

Bayaanka ka  soo baxay Dowladda Qadar ayaa intaa raaciyay in qanuunkaasi sharciga degenaanshaha lagala noqonayo Falastiiniyiinta ku nool Bariga Qudus oo ka soo baxay Kaniisada Isra’iil uu awood buuxda u siinayo Wasiirka arrimaha gudaha ee Israa’iil inuu qaado talaabo kasta ee ka dhan ah falastiiniyiintaasi hadii lagu cadeeyo inay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen Argagixisada.

Dowladda Qadar ayaa ku tilmaantay qaraarka ka soo baxay Kaniisada Israa’iil in uu khilaafsanyahay Qaanuunka Dowliga ah ,kan bani’aadanimada  iyo heshiiyada qaramada midoobay ee xuquul insaanka la xiriira,waxayna Qadar ugu baaqday mujtamaca dowliga inay ka hortagaan talaabadan.

Dhanka kale waxay Dowladda Qadar ay muujisay  inay sii xoojinayso taageerada dhan kasta ah oo ay u fidinayso shacabka falastiin sidii uu uga talin lahaa masiirkiisa sharciga oo ay ka mid tahay dhismaha dowlad Falastiin ah oo madax banaan xuduudeeduna tahay tii sanadkii 1967-dii, isla markaana caasimadeedu tahay magaalada barakeysan ee Qudus.

Qaanuunkan cusub oo ay kaniisada Isra’iil dhowaan soo saartay ayaa qoraya in 320 kun falastiiniyiin ah oo ku nool bariga magaalada Qudus aysan muwaadiniin aheyn.

Dhanka kale Ururka midowga Yurub bayaan uu jimcihii soo saaray  ayaa ka digay in Israi’iil ay meel mariso qaaraarkan cusub ay kula dhaqmayso falastiiniyiinta deggan bariga Qudus.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa canbaaraysay qaanuunka cusub kaniisada Israa’iil ay soo saartay,kaasoo ka dhan ah falastiiniyiinta deggan Bariga magaalada Qudus,waxayna talaabadaa ku tilmaantay mid aan sharci aheyn   dimoqoraadiyadana ka soo horjeeda.

 

LEAVE A REPLY