Xisbiga Silvia Berlusconi oo ku horeeyo Codadkii latiriayay ee doorashada Baarlamaanka Talyaaniga.

Xisbiga Silvia Berlusconi oo ku horeeyo Codadkii latiriayay ee doorashada Baarlamaanka Talyaaniga.

356
0
SHARE

Italy(SONNA) Wadanka Talyaaniga, waxaa la tiriyay cod-bixinta doorashada baarlamaaniga ah ee ka dhacday Dalkaasi,iyadoo natiijadeedada ay u muuqato in xisbiyada ay ku kala sareeyaan.

Warar hor dhac ah ayaa muujinayaa in kuraasta ugu badan uu ku guuleystay xisbiga loo yaqaanno Leegada oo ay ku midoobeen xisbiyo badan. Sidoo kalena uu ku jiro Silvia Berlusconi oo ahaa Rayii-sulwaaarihii hore ee dalkaasi,haatana ah siyaasi galaangal adag ku leh siyaasadda Dalkaasi.

Arrinta sida weyn la iskula dhexqaadayo ayaa ah in Markii ugu horreysay uu mid ka mid ah xisbiyada dalkaasi u soo galey xubin baarlaamkaanka ka mid ah nin Madow ah oo asal ahaan  kasoo jeedo Wadanka Nigeria,balse in muddo ah dalkaasi kunoolaa.

Mid ka mid ah xisbiyada tartamaya oo dhanka Koonfureed ah ayaa heley 33% kadib markii ay sameeyeen balanqaadyo ah in lacago dhan 840 EURO ah la siin doono qofkasta muwaadin ah oo aan shaqeynin,halka xisbiyo kale oo iyana isbahaysi ah oo lagu magacaabo Leegada uuna ka mid yahay R/wasaarihii hore ee Dalkaasi Silvia Berlusconi ay heleen 37% codadkii la tiriyay,kuwaasi iyana balanqaaday in ay canshuur dhimis sameyn doonaan,taasi oo keentay in ay u codeeyaan dhamaan ganacsatada Dalkaasi.

Hadal haynta ugu badan ee Warbaahinta Dalkaasi ayaa ah in nin Madow ah oo asal ahaan ka soo jeedo Dalka Nigeria uu kamid yahay tartankaasi Xisbiyada doorashada Baarlamaaniga ah,taariikh ahaan waxaa uu joogay Dalkaasi 40 sano,waxaa u dhaxda haweeney Talyaani ah,waana 62 sano jir waxbarashada Heer Sare ka gaaray ahna Ganacsada Caan ah.

Wargeysyada iyo warbaahinada kale ee Dalkaasi ayaa hadal hayn weyn ku ah ninkaasi Madow uuna degan yahay ama uu doorashada ka soo galay Gobolka ugu dhaqaalaha badan ee ku yaala bartamaha Dalkaasi Talyaaniga,derisna la ah Milaano.

LEAVE A REPLY