Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta gaaray Magaaladda Baydhabo

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta gaaray Magaaladda Baydhabo

375
0
SHARE

Baydhabo (SONNA), ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Saraakiil uu hoggaaminayo  ayaa maanta gaaray Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Dowlad goboleedka Koofur Galbeed, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Saraakiil iyo Masuuliyiin kala duwan.

Ujeedka Safarka  Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa ah in Magaaladda Baydhabo uu uga qeyb galo wajiga labaad ee Shirka Booliska Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo halkaasi ka socon doono labada cisho ee soo socota.

Taliyaha waxaa Safarka ku wehlinaya dhammaan Taliyeyaasha Booliska Dowlad goboleedyadda, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga qaranka iyo Wasaaraddaha Amniga maamulada dalka ka jira. Taliyeyaasha Booliska Dowlad goboleedyadda, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga qaranka iyo Wasaaraddaha Amniga maamulada dalka ka jira.

LEAVE A REPLY