Biyo la’aan xoogan oo ka taagan Shabeelada Dhexe.

Biyo la’aan xoogan oo ka taagan Shabeelada Dhexe.

333
0
SHARE

Jowhar(SONNA) Saameyn xoogan ayaa ka dhalatay Biyo la’aanta iyo abaaraha ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe,kadib markii uu guray webigi Shabeele ee marayay Gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Mas’uuliyin ka tirsan maamulka Hirshabeele iyo kuwa Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa kormeer ku sameeyey deegaano ka tirsan gobolkaasi,kuwaasi oo u kuurgalayay inta ay la egtaya saameynta biyo la’aanta iyo abaarta halkaasi ka jirta,iyagoo mas’uuliyiintani sheegay in loo baahanyahay in waxbadan laga qabto dhibaatadaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo wafdi kale oo kormeerkaasi qiimeynta ah sameeyey ayaa sheegay in biyo la’aantii ugu darnayd ay ka taagan tahay deegaanada Gobolka,isagoo  ugu baaqey Dowladda Soomaaliya,maamulka Hirshabeele iyo Hay’adaha Caalamiga ah in ay u istaagana sidii loo samatabixin lahaa dadkaasi dhibaataysan.

“DHulka abaaro iyo biyo la’aan ayaa ka jirta,waxaan tagnay Raaga Ceele,halkani waxaa kajirta biyo la’aan xoogan, jiirgaankii biyaha waxaa lakala siistaa 20 kun oo Shillin Soomaali ah,sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka,sidaaasi ayaa jirta laakiise waxkasta waa ilaahay awoodiisa,waxaan Dowladda Soomaaliya,dowlada Goboleedkan iyo Hay’adaha caalamiga ah waxaan ugu baaqeynaa in ay kaalin ka qaataan sidii dadkaasi loo samatabixin lahaa”. Ayuu yiri Guddoomiye Axmed Faal.

Arrimahani ayaa loo aanaynaya iyadoo aanay jirin qorshe ku aadan in laga faa’idaysto kedinta kheyraadka biyaha ee Webiga xiliga uu biyo keeno,taasi o sababta mar hadii uu biyo yareeyo uu guro webiga in ay ka dhalato biyo la’aan oo saameysa nolosha dadka iyo duunyada.

LEAVE A REPLY