Shamsa Cabdullahi Bybook: Haweeney u ol’oleeysa xuquuqda caafimaadka Haweenka Soomaaliyeed

Shamsa Cabdullahi Bybook: Haweeney u ol’oleeysa xuquuqda caafimaadka Haweenka Soomaaliyeed

1179
0
SHARE
Dr. Shamsa Abdullahi, the founder of Bybook Maternity Hospital, performs an ultrasound scan on an expectant mother at the hospital in Mogadishu, Somalia on 6 February 2018. UN Photo / Omar Abdisalan

Muqdisho – Shamsa Cabdullaahi Bybook waxaa ay ahayd kalkaaliso da’ yar oo ku jirta da’da labaatanaad markii ay dalka ka qaxday, kaddib markii xiisadaha ka jiray Muqdisho ay sii xoogeeysteen sanadkii 1989-kii, si ay nolol cusub uga bilowdo Boqortooyada Ingiriiska. Waxaa ay ummuliso khibrad leh ka noqotay isbitaalka Waqooyiga London iyadoo markaasina haysatay shahaadada mastarka oo ay ka qaadatay Jaamacadda Middlesex, waxaana ay halkaasi ku yeelatay qoys.

Balse weligeed ma aysan illaawin Soomaaliya. Marmar ayey booqasho ku tageysay dalkeeda hooyo, waana hooyo leh6-da carruurta ah.

“Waxaan aragnay dhibaatooyinka ay hooyooyink marayeen,” ayay tiri haweeneydan 59 sano jirka ah ee ka soo jeedo magaalada Kismaayo. “Carruurta ayaa iyagana iska dhimanaayay; waayo waxaan jirin habraac fudud oo lagu magacaabo dib u soo kabasho iyo hawada oxygen-ka ah.”

Sannadkii 2016-ka ayaa waxaa ay go’aansatay in ay wax ka qabato arrintan. Shamsa iyo seygeeda ayaa soo guuray iyagoona dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho si ay halkaasi uga dhisaan isbitaalka dhalmada oo ay haweenka Soomaaliyeed ka heli karaan adeegyo dhalmo oo tayeeysan-Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Bybook.

Shamso waxaa ay si buuxda u dareensaneyd halista ay leedahay in ay dalkeeda dib ugu soo laabato. Waxaa ay ka shaqeyn jirtay magaalada London iyada oo qayb ka mid ah wakhtigeeda warar u akhrin jirtay laanta afka Soomaaliga ee BBC, kaddib markii loo diray magaalada Kismaayo sanadkii 1997-dii, halkaas oo ay muddo gaaban u afduubneyd maleeshiyo hubeysan.

Bilooyin uun kaddib markii ay magaalada Muqdisho ku soo laabatay ayaa waxaa ay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ka furtay degmada Hodan ee caasimadda Soomaaliya bishii Oktoobar ee2017-da. Isbitaalkan ayaa waxaa uu bixiyaa adeegyo dhowr ah oo la siiyo bukaan socodka iyo bukaan jiifka oo ay ka mid yihiin in si bad-qabta looga dhalliyo haweenka, caafimaadka iyo daryeelka carruurta, la talin dhanka gudniinka fircooniga ah baaritaanka casriga ah ee uur ku jirta, daryeelka dhalmada kadib iyo daryeelka dhalmo la’aanta.

“Waxaan go’aansannay in aan kuwa kale ka duwanaano inagoo si aad ah diirada u saareyno daryeel tayeeysan. Tusaale ahaan, waxaan hubinnay in uusan jiri doonin canug u dhinta hawo la’aan ama la’aanta qalabka soo kabsashada amaba xitaa dhallooyinka caruurta la geliyo.  Tani muhiim ayay u tahay dalka,” ayay tiri, waxaana ay intaas ku dartay in ay sidoo kale daaha ka rogtay ol’ole diiradda lagu saarayo muhiimadda ay leedahay in lagu dhalo baaldi oo ay ku jiraan biyo qandac ah si loo yareeyo tirada carruurta ee dhimata kaddib markii ay dhashaan.

Muhiimadda ay xarumo caafimaad oo tayadooda ay aad u sareeyso u leedahay Soomaalida ma ahan mid la soo koobi karo. Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF), heerka dhimashada dhallaanka ee carruurta Soomaaliyeed ayaa ah midda ugu sarreeysa dunida oo dhan. 7-dii caruur oo Soomaali ahba mid ka mid ah ayaa dhinta ka hor inta uusan 5 sano gaarin, taas oo ka turjumeeysa heerka dhimashada ee ah 137 canug 1000-kii canug ee dhalataba. Heerka dhimashada hooyooyinka ayaa sidoo kale ah mid aad u sareeya iyadoo UNICEF ay sheegtay in 12-kii hooyaba ee mid kamid ah u dhimato arrimo la xiriira uurka- iyadoo heerka dhimashadu uu yahay 732 hooyo ee 100,000kii wax dhashaba.

Isbitaalkan hooyada iyo dhallaanka ah oo ay yaalaan 45 sariir ayaa waxaa qiyaas ahaan bishiiba si badqab ah ugu dhala 50 qof, waxaana sidoo kale uu daweeya carruurta ku dhalata dhibaatooyinka qaadashada hawada. Amaanta loo jeedinayo isbitaalkan ayaa aad u faaftay iyadoona gaartay meelo fog, iyadoo haweenka uurka leh ay ka yimaadaan magaalooyinka fog sida Afgooye iyo Jowhar.

“Iyadoo ay sabab u tahay dadaaladeena aadka u wanaagsan, dad badan ayaa waxaa ay hadda ka war qabaan adeegyadeenna,” ayay tiri Shamsa. “Xitaa haweenka waxbarashadoodu hooseyso waxaa ay ii sheegaan in ay maqleen inaan leenahay qalab gaar ah oo ka caawinaaya hooyooyinka iyo caruurta ay dhalaan in ay badbaadan.”

“Seygeyga iyo anigu waxaan ka soo tagnay carruurteena iyo carruurta ay sii dhaleen si aan u dhisno isbitaalkan hooyada iyo dhallaanka ah islamarkaasina aan cawimaad u fidinno dadka u baahan adeegyadeenna,” ayay tiri. “Waxaan kula talin lahaa qof welibo oo leh higsigaas oo kale in uu ku dhaqaaqo maxaa yeelay innagu xitaa waan soo marnay. Ha ka joogsan, ha noqonin qof qalbi jaban.”

LEAVE A REPLY