Faransiiska oo ku hanjabay inuu jawaab degdeg ah ka bixin doono hadii...

Faransiiska oo ku hanjabay inuu jawaab degdeg ah ka bixin doono hadii Suuriya ku Cadaato inay adeegsatey hub kiimiko ah

689
0
SHARE

Paris (SONNA) Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macaron ayaa ku hanjabay in dagaal uu ku qaadi doono dawlada Suuriya hadii ay ku cadaato in ay hub kiimikada u isticmaashay dad rayida ah.

Mr macaron oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay hadii ay cadaato arintaasi inay duqeyn doonaan goobihii hubka kiimikada laga riday ama meel kastoo lasoo qorshaynayay.

Baaqan ka soo baxay madaxwaynaha Faransiiska wuxuu imaanayaa kadib markii baarayaal Caalami ah ay sheegeen in dawlada Suuriya ay u adeegsatey dad rayid ah oo ku nool goobaha macaaradku ka taliyaan hubka kiimikada gaar ahaan Chlorine gas.

Muuqaalada laga soo qaaday goobahaas ayaa muujinaya dad dhaawaca oo qalabka lagu neefsado afka uu ugu jiro kuwaasoo la sheegay inay saameysay hubka kiimikada ah ee lagu duqeeyey deegaanada ay ku noolaayeen.

Madaxwayne Macaron ayaa sheegay in arintani uga dhigan tahay dawlada faransiiska khadka cas isla markaana si degdega uga jawaabayso hadii ay ku cadaato dawlada suuriya inay isticmaashay kiimiko.

Dawlada suuriya ayaa dhankeeda iska fogaysey eedeynta uga imaaneysa beesha caalamka

Intii colaaduhu ka taagnaayeen wadanka Suuriya Markii u horeysay ee la isticmaalay hub kiimika ah waxay ahayd 2013 markaasoo meel u dhaw magaalada Dimishiq ay ka dhacday dad aad u tira badana kuu dhamaadeen.

Markii labaad waxay ahayd bishii April 2017 meesha loo yaqaan Khan Cheikhon ayaa weerar ka dhacay la cadeeyey in la adeegsadey hub kiimika ah, ilaa iyo xiligaa dawlada suuriya mar walba way iska fogayneysey eedaaasi.

LEAVE A REPLY