Maamulka Gobolka Banaadir oo Caafimaad dibada ah u qaadaya gabar yar oo...

Maamulka Gobolka Banaadir oo Caafimaad dibada ah u qaadaya gabar yar oo xabad ay kaga Dhacday kaadi heysta.

685
0
SHARE

Muqdisho (SONNA), Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta  Fiiso Caafimaad oo Dalka Dibadiisa ah gaar ahaan dalka Turkiga siiyay gabar yar oo 12 Sano jir ah,  islamarkaana iyaddoo hal sano jir ah xabad kaga Dhacday kaadi heysta.

Guddoomiye ku xiggeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arimaha bulshada Marwo Basmo caamir,  ayaa aabaha Gabadha xanuunsan guddoon siisay lacag gaareysa $2000 oo ah sahay safar.

Maamul gobolka Banaadir ayaa siddaan oo kale dhowr jeer oo hore dad qaba xanuuno kala duwan siiyey  deeq caafimaad siiyey oo dalka dibadiisa ah, kuwaasi oo dalka waxba looga qaban waayey.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY