Wada hadaladii Nabadda ee degmadda Caabudwaaq oo lagu Guulaystay

Wada hadaladii Nabadda ee degmadda Caabudwaaq oo lagu Guulaystay

473
0
SHARE
?

Caabudwaaq (SONNA), Sheekh Abuubakar  Bashiir C/laahi    La-taliyaha arrimaha Diinta ee  Madaxaweeynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo  Guddiga  Madaxweynahu uu  u xil saaray  Dhamaystirka  Qorshaha  Nabadaynta  Bulshada degmadda  Caabudwaaq ku nool  ayaa Ku Guulaystay  in Xal laga Gaaro  Xiisadii u dhaxaysay  Qaar ka Mid ah beelaha Dega degmadaasi.

Waxaa  lagu  Guulaystay  in la is hor Fariisiyo  Labada Dhinac  si ay u dhaqan galiyaan  dadaalada Nabadda  Bulshada ku dhaqan Degmada Caabudwaaq  kaasi  oo dhamaystir u ah  Qorshahii Bilowga ahaa  ee Madaxweeynaha  Soomaaliya uu halkaa ka unkay.

Ciidamo    isku dhaf  ah  ayaa Laga hirgaliyay  Degmadaasi  kuwaasi   oo ka qayb qaadanaya  Xasilinta amniga Magaaladda  si looga hortago   isku dhacyo Marka kale Dhex mara   Beelahii  la Heshiisiiyay.

La-taliyaha arrimaha Diinta ee  Madaxaweeynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Abuubakar  Bashiir C/laahi ayaa  sheegay in ay Guulaysteen Dhamaystirka  Heshiis Nabadeed  oo ay dhex  dhigaan Dhinacyada Beelahii isku hayay Degmada Caabduq Waaq,  laguna Guulaystay Sameynta  ciidamo  Nabasugid ah  oo Hanta Amaanka,  si ay dadku  ugu Wada  Noolaadaan Magaalada si Nabad ah.

Socdaalkii Nabadda ee Madaxweeynuhu  uu ku Tagay  Degmadda  Caabudwaaq,  ayaa  waji cusub  u  furay bulshada  ku  Dhaqan Caabudwaaq,  iyaddoo uu Dib u furmay   isu socodkii  dadka  oo ay  kala xirtay  colaad sokeeye  oo socotay  in Mudda  ah.

 

LEAVE A REPLY