Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

595
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Mahamed Abdi Xayir Mareeye, ayaa xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha dalkaasi u fadhiya Soomaaliya  Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Mudane Maareeyee ayaa  Dawladda imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinac walba leh ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee xagga bani’adamnimada iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Imaaraadaka ee WAM oo aan warkan ka helnay kulankasi dhex maray Wasiirka iyo safiirka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada wadan xiriirkaas oo dhinacyo badan leh

Warku wuxuu intaa ku darayaa in labada mas’uul ay isla falanqeeyeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka Ganacsiga ee ka dhexeeya labada wadan iyo qodobo kale.

Dhinac kale Danjiraha Dawlada Imaaraadka u fadhiya magaalada Muqdisho mudane Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi ayaa u hambalyeey wasiirka Ganacsiga Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Maareeye xilka cusub ee loo magacaabay oo ah  Wasiirka wasaradda  Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ku tilmaamay Wasaarad muhiim ah.

Ugu danbeyntii Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa kulankaasi ka muujiyay sida ay wasaaradiisu u danaynayso ka faa’ideysiga khibradda iyo waaya aragnimada xagga  Ganacsiga ee Imaaraadka Carabta iyo sidii ay gacan kaga gaysan lahaayeen horumarinta iyo kobcinta Ganacsiga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY