Maxaa sabab u ah saxmiga iyo ciriiriga ka jira Waddooyinka Muqdisho(Sawirro)

Maxaa sabab u ah saxmiga iyo ciriiriga ka jira Waddooyinka Muqdisho(Sawirro)

622
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Magaalada Muqdisho  ee Caasimadda  Dalka  waxaa ku soo badanayay waayadaan Dambe Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ,taas oo keentay in Waddooyinku ay noqdaan kuwoo  Saxmad Badan ,Saameynta  ugu badanna    Ganacsiga  iyo Dadweynaha shaqooyinka u socda  ayey  ku yeelatay arintaasi

Xilliyada ay socdaan gaadiidkaasi  waa wakhtiyada ugu badan  ee ay waddooyinka caasimaddu yihiin saxmad ,iyadoo horay  loo go,aamiyay  in gaadiidka xamuulka ah  ay  mari karaan oo kaliya wadada ka soo baxda  dekedda ,isla markaana  marta isgoyska taleex  ee degmada Hodon.

Gaadiidka xamuulka ah waxa ay Dekedda ugu soo baxaan  iyagoo koox koox u socda  xilliyada qaarna  ay hakad galiyaan wadooyin badan oo halbowle u ah magaalada shilal badana horay ayey u dhaceen

Qaar ka mid ah ragga darawalada ka ah  Gaadiidka Xamuulka ayaan su ,aalo ka weydiinay sababaha keenay xilliga ay wadooyinka isticmaalaan iyo qatarta ka dhalan karta,iyago xusay in dhibaatooyin iyo aqabado ay ku yihiin isu socodka dadka iyo Gaadiidka.

Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya  oo mas,uul ka ah sharuucda guud ee wadooyinka  iyo gaadiidka sida u wajahaysa cabashooyinka dadweynaha ka imaanaya .

Agaasimaha  Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada  Cali Gacal Gaabow  ayaa inoo sharxaya arimahaasi.

‘’Waa run arrimahaasi ciriiriga ka jira wadooyinka,Wasaaradda gaadiidka waxaa waajib uu ka saran yahay nidaaminta sharciyada waddooyinka,muhiimadda ugu weyn waa  in sharciga u deggan  gaadiidka lagu dhaqmaa sida dadka  arimahan ku xeel dheer ay soo jeediyeen,marka maalmahan waxaa waxaa socda qorshe lagu dardargelinayo shuruucdii waddoyinka iyo nidaamkooda oo meel fiiacan maraayo’’. Ayuu yiri Gaasimae Cali Gacan.

Dhibaatooyin ayaa ka taagan waddooyinka magaalada Muqdisho qaar kooda,taasi oo sabab u ah ciriiriga waddooyinka iyo isticmaalka gaadiidka noocyadiisi kaladuwan oo ku soo badanaya caasimadda,iyadoo mararka qaar ay dhacdo in shilal ay sababaan arrimahaasi.

Wariye: Muuse Cusmaan Abtow

LEAVE A REPLY