Guddoomiye Xiggeenka 1aad ee Maamulka G/Banaadir oo furay Tababar lagu baranayo Hormarinta...

Guddoomiye Xiggeenka 1aad ee Maamulka G/Banaadir oo furay Tababar lagu baranayo Hormarinta Nabadda iyo Cadaaladda.

377
0
SHARE

Muqdisho (SONNA), Tababarkaan ayaa waxaa oo lagu baranayo Hormarinta Nabada iyo Cadaalada ayaa waxaa loo qabtay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska, Haweenka, Dhalinyaradda, Odayaasha, iyo Culumadda degmada Kaaraan.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa sheegay in dadka tababarka loo sameeynayo inta ay ku jiraan ay qaadan doonaan Casharo iyo Wacyigalin ku saabsan Hormarinta iyo Iskaashiga Nabadda iyo Cadaaladda Caasimadda.

Guddoomiye tuulax ayaa sheegay in dadka Tababarkan la gaarsiin doono dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir, ujeedadiisana ay tahay in Bulshadda Magaalada lagu wacyigaliyo ka qeyb qaadashada Amniga Caasimadda.

 

LEAVE A REPLY