W/Korea oo bilaabay Dabaaldeg ciidan,xillli K/Kuuriya ay ka dhacayaan  ciyaaraha Olimbikada      

W/Korea oo bilaabay Dabaaldeg ciidan,xillli K/Kuuriya ay ka dhacayaan  ciyaaraha Olimbikada      

575
0
SHARE

 W/Kuuriya ayaa u muuqda mid qabaneysa dabbaaldeg ciidan,xilli maanta la gudagalay  ciyaaraha Olombikada ee ka dhacaya dalka K/Kuuriya,sida ay ku warameen warbaahinta K/Kuuriya .

Xafaladda dabbaaaldegga ciidamada W/Kuuriya ayaa ah mid sanadkiiba la qabto bisha April,balse in laga  soo hormariyo waqtiga ,ayaa lala xiriiriyay mucaaradnimada  Mareykanka iyo tallaabooyinka cunaqabateynta ah ee uu doonayo in uu ku qaado W/Kuuriya

TV-ga W/Kuuriya ayaa bilaabay in uu baahiyo muuqaallo hordhac ah oo la xiriira aflaam wadani ah ,waxaana khuburo caalami ah ay sheegayaan in dalkaasi uu soo bandhigi doono gantaalada ridada fog.

W/Kuuriya ayaa maanta ka dhawaajiyay in aysan dooneyn wax kulamo ah oo ay la yeeshaan saraakiisha Mareykanka mudada ay socdaan ciyaaraha Olombikada .

 

BBC

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY