Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Xuseen Xasan Cusmaan oo ka warbaixiyay safar...

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Xuseen Xasan Cusmaan oo ka warbaixiyay safar shaqo uu ku tagay Suudaan

504
0
SHARE

Muqdisho(SONNA);– Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu ku tagay dalka Suudaan oo uu Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa intii uu joogay wuxuu kormeeray Xabsiyada iyo xarumaha Ciidanka Asluubta Wadanka Suudaan,isagoona kullan lagu xoojinayo xiriirka labada dal la qaatay dhigiisa dalka Suudaan.

“Waxaan Howlo shaqo ah aan ku tagay Dalka Suudaan intii aan Suudaan joogay waxaan kullumo la yeeshay Taliyaha Ciidanka Asluubta Wadanka Suudaan Saraakiisha Ciidamada Asluubta Suudaan Waxyaabo badan ayaan isku Soo Afgaranay” ayuu yiri Taliyah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa wuxuu wadaa dadaalo lagu horumarinayo Ciidamada Asluubta Soomaaliyeeed si ay uga soo dhalalaan wajaajibaadkooda shaqo.

LEAVE A REPLY