Muhiimadda Shirka Amniga Qaranka ee dhawaan Muqdisho ka furmi doona

Muhiimadda Shirka Amniga Qaranka ee dhawaan Muqdisho ka furmi doona

677
0
SHARE
Muhiimadda Shirka Aqmniga Qaranka
Muhiimadda Shirka Amniga Qaranka

Muqdishu-(SONNA)- Shirka Amniga Qaranka waa shir sadexdii biloodba mar la qabto, waxaa looga hadlaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, wixii qabsoomay mudada labada shir u dhaxaysa iyo wixii aan qabsoomin, waxaana ka qaybgala Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkan waxa uu ka mid yahay qorsheyaashii ugu horreeyey ee uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo maadama uu ka farcamay heshiiskii amni ee 17ii  Abriil, 2017 ay wada galeen Xukuumadda, Madaxda Dowladda Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeeyo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

Kulanka kama soo qeyb galaan cid aan Soomaali ahayn, waxaana abaabulkiisa iyo kharashaadka ku baxa bixiya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Shirkan caadi ahaan waxa uu socdaa muddo 2 ilaa 3 malmood ah Waxaana guddoomiya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Taliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya

Tan iyo markii la asaasay Madasha Amniga Qaranka ma jirto xubin ka maqnaaatay ka qayb galka shirarkeeda, marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka maqnaaday Shirkii bishii December ee sanadkii tagay 2017kii. Xiligaas oo uu u cudur daartay saxiixa heshiiskii Jabuuti uu kula galayey maamulka Ahlu Sunna.

Qodobada ka soo baxa Shirka Amniga Qaranka waa kuwa ugu saameynta badan shirarka heer Qaran, iyadoona sidoo kale aan lagu  koobin arrimaha amniga oo kaliya ee lagu falanqeeyo arrimaha Siyaasadda, Dastuurka, Doorashooyinka iyo Federaalaynta.

Arrimaha ilaa haatan guulaha lagaga gaaray waxaa ka mid ah midaynta qorsheyaasha iyo cududda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, hannaanka dib u qaabaynta ciidamada iyo xasilinta siyaasadda dalka.

Sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka ayaa la horgeeynayaa Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h).  

LEAVE A REPLY