Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada...

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

888
0
SHARE

Muqdisho(SONNA):– Wafdi isugu jira  Wasiiro iyo Xildhibaano oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socota Shirkad Shiineys ah ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Waxaa degmada Hobyo si weyn ugu soo dhoweeyay Wasiirada iyo Xildhibaanada ka tirsan Dowladda Soomaaliya mas’uuliyiinta Maamulka iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan oo sheegay iney ku faraxsan yihiin imaanshaha Wafdiga.

Wafdiga Dowladda iyo Saraakiisha ka socota Shirkadda Shiineyska ah ee gaaray degmada Hobyo ayaa qiimeyn ku sameyn doona dhismaha dakadda Hobyo oo ah isha dhaqaalaha Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo dhawaan socdaal ku tagay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Galmudug wuxuu soo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo ay ka mid tahay dhismaha Dekadda Hobyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale,madaxweyne Farmaajo oo shir jira’aaid uu ku faah faahinayay socdaalkiisa Maamulada Puntland iyo Galmudug ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay iney Guddi u saarayaan mashaariicda horumarineed uu soo dhagax dhigay si ay daba gal ugu sameeyaan dhaqan galkooda.

LEAVE A REPLY