Ciidamada difaaca Cirka ee Dalka Sacuudiga oo burburiyay Gentaal ay tuureen Xuuthiyiinta...

Ciidamada difaaca Cirka ee Dalka Sacuudiga oo burburiyay Gentaal ay tuureen Xuuthiyiinta Yemen

447
0
SHARE

Riyadh-(SONNA)- Ciidamada Difaaca Cirka ee Boqortooyada Dalka Sacuudi Carabiya ayaa Maanta burburiyay Gentaal nooca Balaastikada ah oo ay Jabhadda Xuuthiyiinta Dalka Yemen ku ganeen Magaalada Khamiis Musheed oo ka tirsan Gobolka Casiir ee Dalka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa kordhiyay howlagallada uu ka wado  xudduudda uu la wadaago Dalka Yemen, si ay ugu hortagaan dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee ay Jabhadda Xuuthiyiintu ka wadaan halkaas.

Xulufada uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa Labadii maalmood ee la soo dhaafay qaaday 50 weerar oo xagga cirka ah, iyagoo bartilmaameedkooduna uu ahaa  Saldhigyo, xarumo ciidan iyo goobaha lagu keydiyo Hubka oo ay lahaayeen Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen.

Diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga ayaa burburiyay xarumo ay Xuuthiyiintu ku lahaayeen Magaalooyinka  Sacda, Xajjah, Xudeyda iyo Taciz, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac ay u geysteen malleeshiyaadka Jabhadda Xuuthiyiinta.

Isha/ UNA

LEAVE A REPLY