Mareykanka: Shil Tareen oo 2-ruux ku dilay Koonfurta Carolina

Mareykanka: Shil Tareen oo 2-ruux ku dilay Koonfurta Carolina

489
0
SHARE

Muqdisho+(SONNA);-– Ugu yaraan labo Qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 70-kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii Labo tareen oo midi dad rakaab siday isugu dhaceen Koonfurta Gobolka Carolina ee dalka Mareynkanka.

Dadka shilka ku dhaawacay ayaa loo qaaday Cisbitaal si loola tacaalo xaaladooda caafimaad,waxaana shilka uu ka danbeeyay markii Tareen dad rakaab ah siday uu ku dhacay tareenka kale ee CSX Aroortii hore ee saakay.

Tareenka, oo u kala gooshayay  magaalooyinka New York iyo Miami ayaa siday tiro ahaan rakaab lagu qiyaasayay 139-Qof iyo seddex shaqaalo xilligii uu shilka galayay.

Waa shilkii seddexaad tan iyo bishii December ka dhaca isla goobtaan.

Toddobaadkii hore, tareen siday daraasiin ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ee Kongareska ayaa shil ku galay Galbeedka Virginia,darawalkii tareenka ayaa ku dhintay lix kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray.

LEAVE A REPLY