Shiinaha oo Mareykanka ku eedeeysay in uu wado dagaal qaboow oo xagga...

 Shiinaha oo Mareykanka ku eedeeysay in uu wado dagaal qaboow oo xagga Niyuklerka ah

594
0
SHARE

Dowladda Shiinaha ayaa ugu baaqday Mareykanka in ay joojiyaan dagaalka qaboow ee xagga maskaxda ah,kadib markii xukuumadda Washington ay sheegtay in ay qorsheynayaan ballaarinta ama wax ka badalka nuucyada hubka Niyuklerka ee ay heystaan.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Shiinaha ayaa sheegay in dalka Mareykanka oo ah kan ugu baaxadda weyn dalalka sameeya hubka Niyuklerka, loona baahan yahay in uu qaado tallaabo waxqabad leh oo keenta isbadal,halkii uu ku dhaqaaqi lahaa dib u habeynta nuucyada hubkaasi.

Ciidamada Mareykanka ayaa aaminsan in hubka Niyuklerka ah ee ay heystaan uu u muuqdo mid baaxad leh oo la isticmaali karo,waxayna doonayaan in ay hormariyaan bambooyinka yaryar ee ay soo saaraan.

Dalka Ruushka ayaa horay u cambaareeyay qorshaha Mareykanka ee xagga tayeynta hubka halista ah ee wax gumaada.

 

 

BBC/English

LEAVE A REPLY