Xabsi daa’in lagu xukumay Nin Gaari ku jiirsiiyay Dad Muslimiin ah

Xabsi daa’in lagu xukumay Nin Gaari ku jiirsiiyay Dad Muslimiin ah

554
0
SHARE

London (SONNA)–Maxkamad ku taala Magaalada london ayaa waxay xabsi daa’in ku xukuntay ninkii ka dambeeyay weerarkii gaariga xamuulka ahaa ee loo adeegsadey, kaas oo lagu jiirsiiyey dad Muslimiin ah oo joogay meel u dhow Masjid ku yaala Waqooyiga Magaalada London.

Ninkaan la xukumay oo ay da’diisu tahay 48 sano ayaa lagu magacaabaa Daren Osborn, waxaa uuna si bareer ah u dilay nin lagu magacaabi jiray Mukram Ali, isagoo ku jiirsiiyey Gaari Xamuul ah.

Garsooradda Maxakamadda Justis Sheima ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso ah oo si ula kac ah loogu dilay dad aan waxba galabsan.

Qoyska muwaadinka lagu dilay weerarkaasi ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in Wiilkooda Ali si xun loo dilay isagoo aan cidna wax geysan.

Weerarka Gaariga Xamuulka loo adeegsadey ayaa waxa uu ka dhacay goob furan oo ay ku sugnaayeen dad Muslimiin ah gaar ahaan Deegaanka lagu magacaabo Finsbury Park ee ku taala Magaalada London 19-kii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo weerarkaasi lagu dhawaacay 9 ruux kale xilli ay Masjid ka soo baxayeen.

LEAVE A REPLY