Dad ku dhintay Shil Baabuur oo ka dhacay Wajeer Kenya

Dad ku dhintay Shil Baabuur oo ka dhacay Wajeer Kenya

618
0
SHARE

Nairobi-(SONNA)- Ugu yaraan Afar Qof ayaa ku geeriyootay Toban kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray shil Baabuur oo ka dhacay inta u dhaxaysa Habasweyn iyo Laghboghol oo ka tirsan ismaamulka Wajeer Kenya.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii uu gaari Tareella ah ku dhacay Bas, kaasoo ay saarnaayeen inta badan Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay sida uu saxaafadda u sheegay Taliyaha Ciidanka waddooyinka Wajeer, James Cheptiony.

Dalka Kenya ayaa waxaa kusoo badanaya shilalka Baabuurta kala duwan, taasoo loo aaneynayo taxaddar la’aan ay muujiyaan wadayaasha Gaadiidka Xamuulka iyo kuwa raaxada, gaar ahaan marka ay ku safrayaan goobaha ka baxsan Magaalooyinka.

Xigasho/Daily Nation

LEAVE A REPLY